>

XOG: Farmaajo oo safar deg deg ah u baxaya iyo Qorshe culus oo socda

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safar deg deg ah toddobaadkan ugu baxaya dalka Masar, sida ay ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia ay xaqiijiyeen.

Framaajo ayaa ka qeyb galaya shir ku saabsan maalgashiga iyo ganacsiga, oo uu magaalada xeebta ah ee Shara El Sheikh ku marti-gelinayo madaxweye Cabdifatax Al Sissi ee dalka Masar.

 

Shirkan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galaya lagua casuumay madaxda dalalka Ivory Coast, Rwanda, Guinea iyo Comoros. Waxaa sidoo kale imanaya wafuud heer hoose oo ka socda dalal kale oo Afrikan ah.

 

“Dhiiri-gelinta Maalgashiga Africa iyo kobcinta wadajirka ah ee Dhaqaalaha” ayaa ah hal ku dhigga shirka, sida laga soo xigtay xubno ku dhow shirka.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS