>

Kismaayo Dagaalka Al-Shabaab Taliye Saxardiid “waan u diyaar garownay” in aan Al-Shabab la dagaalano

Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General Ismaaciil Saxardiid oo booqasho ku tagay Degmada Dhoobley oo ka tirsan Jubbaland ayaa kormeeray saldhigyo halkaasi ay ku leeyihiin Ciidanka Xoogga dalka.

RIIX HALKAN OO DHEGEYSO CODKAN.

Taliye Saxardiid ayaa sheegay ujeedka socdaalkiisa inuu ahaa sidii Ciidamada ay u gaarsiin lahaayeen Qalab Millitari oo ay ku jiraan Hub iyo Gaadiidka Dagaalka iyo Mushaarka Ciidamada ay xaqa u leeyihiin.

 

Wuxuu sheegay Ciidamadan ka tirsan xoogga dalka in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada Dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab, maadaama dhowaan uu u soo gaba gaboobay Tababar.

 

Xubnaha dhalinyarada ah ee ka tirsan ururka Al-shabaab ayuu ugu baaqay in ay ku soo biiraan Dowladda Federaalka, si cafis guud loogu sameeyo, dadkoodana ay ugu dhex noolaadaan

Guud Gobolada dalka waxaa ka socda abaabulka iyo diyaar garowga ku aadan gulufka colaadeed ee ka dhanka ah ururka Al-shabaab, maadaama Madaxda Qaranka ay ku dhawaaqeen Dagaalka dhanka ah Shabaab.

 

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS