>

TOP NEWS:DF Somaliya oo Saraakiisha Al.Shabaab ka soo xarooday u adeegsanaysa in ay Dagaalka.

Saraakiisha Maamuulka Jubbaland ayaa beeniyay in askar ka tirsanaa ciidankooda ay isku dhiibeen Xarakada Al Shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah Gobollada Jubbooyinka.

RIIX HALKAN KA DAWO MUUQAALKAN.

Kornel Cabdi C/ laahi Faarax oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Maamulka Jubabaland ayaa been abuur ku tilmaamay in askar ka tirsanaa ay goosteen, islamarkaana ay isku dhiibeen Al Shabaab.

 

 

Waxaana uu sheegay in ciidankooda ay xisaabsan yihiin, kuna sugan yihiin haatan deegaanada Maamulkaasi.

 

 

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli Al Shabaab shalay degmada Jiilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ay ku soo bandhigeen 3 Askari oo ay sheegeen in ay ka soo goosteen Maamulkaasi Jubbaland.

 

 

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS