>

Natiijada doorashada Somaliland oo maanta lagu dhawaaqayo

Guddiga doorashooyinka jamhuuriyadda iskeed madax banaanida ugu dhawaaqday ayaa maanta la filayaa in ay ku dhawaaqaan natiijada doorashadii madaxtinimo ee dhacday 13-kii bishan novembar.

 

RIIX HALKAN OO DAAWO MUUQAALKAN.

Sida uu kusoo waramayo wariyaha BBC-da Hargaysa Axmed Siciid Cige, xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa sheegay in aysan aqbali doonin wixii sharci daro ah xili ay cabashooyin ka muujiyeen qaabkii doorashada u dhacday

 

 

Horey guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in uu wadashaqayntii kala laabtay guddiga doorashada ka hor intii uusan dib ka sheegin in ay soo celiyeen wada shaqayntii kadib markii la dhagaystay cabashooyinkii ay doorashada ka qabeen.

 

 

Natiijada doorashada ayaa daahday, waxayna qaadatay muddo 7 maalmood ah in lagu dhawaaqo.Wixii kusoo kordha warkan dib ayaan idinkaga soo gudbin doona

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS