>

Faah Faahinno Ka Soo Baxaya Weerar Xalay Ka Dhacay Wardhiigley

Dabley hubeysan ayaa Xalay weerar ku qaaday Bar Koontorool oo ay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ku leeyihiin  Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir.

RIIX HALKAN OO DAAWO MUUQAALKAN.

 

Wararka ayaa sheegaya in Gaari Noah ah oo ay la socdeen Rag hubeysan ay rasaas ku fureen ciidankaasi, islamarkaana ay goobta isaga baxsadeen.

 

 

Ilo deegaanka ah ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in 1 Askari uu ku dhaawacmay weerarkaasi.

 

 

Dhinaca kale Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda weerarkan ayaa Barahooda Internetka waxa ay ku shaaciyeen in weerarkan ay ku dileen illaa 3 Askari, tiro kalena ay ku dhaawaceen, sida ay hadalka u dhigeen.

 

 

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Laamaha Ammaanka ee dowladda oo ku aadan Weerarkaasi.

Balse muddooyinkii dambe ayaa waxaa Magaalada Muqdishoka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka sida dilal qorsheysan iyo weeraro qaraxyo ah.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS