>

kiiskii Qalbidhagax iyo Go’aankii Baarlamaanka iyo Xaqiiqada ka danbaysa oo la ogyahay .

Guddigii Xildhibaanada Baarlamaanka ee loo xil saaray baartaanka kiiska Cabdikariin Sheekh Muuse “Qalbi Dhagax” ayaa maanta soo saaray Natiijada baaritaankooda, iyagoo sharci darro ku tilmaamay dhiibista Muwaadinkaasi oo loo gacan galiyay Dowladda Itoobiya.

RIIX HALKAN OO DAAWO MUUQAALKAN.

  1. Xiriirka arrintan la leedahay siyaasadda iyo amniga qaranka

Maadaama ay Soomaaliya ku jirto marxalad dib u fufinta iyo dib usoo nooleynta Qarannimadii Soomaaliya, waxaa dowladda ku waajib ah in ay mudnaanta koowaad siiso sugidda amniga qaranka, xasilinta xaaladaha iyo nabadeynta dalka. Sida aan ka wada warqabno, Siyaasadda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku saleysantahay nabad kuwada noolaanshada dadweynaha Gobolka Geeska Afrika, iyo dunida kale guud ahaan, iyo gaar ahaan ilaalinta siyaasadda daris wanaagga. Mabaadii’daas oo aan sinaba u ogolaaneyn in marnaba la aqoonsado ama gabbaad la siiyo urur hubeysan oo liddi ku ah jiritaanka qarannimada ama ammaanka, xasiloonida iyo nabadgelyadadalka ama waddamada dariska ah.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS