Dowlada Imaaraadka oo Ciidamo Hogaaminaya Dagaalka Al Shabaab Ka Dhan Ah Ku Wareejisay Dawladda Federaalka Somalia

Safiirka dowlada Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya ayaa 311 Askari oo tababar ay u soo gaba gabeysay Dowlada Imaaraadka wuxuu ku wareejiyay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, C/weli Jaamac Xuseen “Gorod”, Munaasabad ka dhacday Xarunta Jeneraal Gordan.

 

RIIX HALKAN OO DAAWO MUUQAALKA

 

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Masuuliyiin kale ayaa goobjoog ka ahaa Munaasabadda, waxaana ciidamadan ay yihiin kuwa qaatay tababaro wanaagsan isla markaana ay u dhameystiran yihiin Gaadiidkooda, Hubkooda iyo agabyada kale ay u baahan yihiin.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kaga mahad celiyay dowlada Imaaraadka Carabta sida ay u taageerto ciidamada xooga dalka, isagoo sheegay in ciidamadan ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka la doonayo in gabi ahaanba lagu ciribtiro  Al shabaab.

 

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS