Taliyayaashii nabad sugida iyo booliiska Soomaaliya oo xilka laga qaaday

Dowladda Soomaaliya ayaa shaqada ka cayrisay laba sargaal oo sarsare oo dhanka ammaanka ah .Tillaabadan ayaa ku soo beegantay ka dib laba qarax oo mataano ah oo shalay ka dhacay Muqdisho halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 27 qof.

RIIX HALKAN OO DAAWO MUUQAALKAN.

 

Taliyihii booliiska Soomaaliya Cabdi Xakin Daahir Saciid iyo agasimihii hay’ada nabad sugida qaranka Cabdillahi Maxamed Sanbalooshe ayaa labadaba xilka laga qaaday.

 

 

Go’aanka xil ka qaadista saraakiishan ayaa timid ka dib kullan degdeg ah oo ay yeesheen golaha wasiirada dowlada Soomaaliya.

 

 

Kooxda Al-shabab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada muqdisho.Qaraxyadii shalay ee Muqdisho ayaa ku soo beegmay laba todobaad ka dib markii ugu yaraan 358 qof ay ku dhinteen weerarkii ka dhacay isgoyska Soobe.Kooxda Al-shabab ayaa diiday oo beenisay in ay iyagu ka dambeeyeen weerarkii Soobe.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS