Kulan ay isugu yimaadeen Guddiga Gurmad ee Somaalida Kenya

Shir uu qabtay Guddiga Gurmad ee Soomaalida Kenya ayaa xalay ka dhacay xaafada Islii ee Magaalada Nairobi.

 

RIIX HALKAN OO DAAWO MUUQAALKA

 

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen culimada u waawayn magaalada Nairobi sida shekh Maxamad Cabdi Umal ayaa waxaa marti sharaf ku ahaa xildhibaanka Dagmada Dujis ee magaalada Garissa ah na hogaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka dalka Kenya mudane Aadan Bare Ducale iyo wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha dibada Somalia Mukhtaar Maxamad iyo ku simaha safaarada Somalia ee Nairobi Ali Mbagathi. Waxaa ka qayb galay xafladan ganacsato iyo arday somaaliyeed oo ku nool magaalada Nairobi iyada oo looga gol lahaa in wax llogu qabto dadkii ku wax yeeloobaya qarixii ka dhacay isgoyskii hore ee Soobe magaalada Muqdisho 14kii bishan.

 

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS