DAAWO Qabanqaabada caleema saarka madaxwaynaha Hirshabeele

Waxaa magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeele laga filayaa in ay goor dhaw ka bilaabato xaflada caleema saarka madaxwaynaha maamulkaas mudane Maxamad Cabdi Waare.

 

RIIX HALKAN OO DAAWO MUUQAALKA

 

Mudane Waare oo loo doortay xilkaas 16kii Sebteembar sanadkan waxa ayna ahayd in la caleema saaro Isniinitii aynu soo dhaafaynay oo ku beegnayd 16kii bishan Oktoobar laakin waxaa dib loo dhigay ka dib musiibadii gilgishay dalka 14kii bishan oo daruurta madow ku hadhaysay dalka.

Xafladan oo lagu qabanayo hoolka Farjano ee magaalada Jowhar ayaa la filayaa in ay ka soo qayb qaatan madax kala duwan oo ka socotaa maamul goboleedyada dalka iyo dawlada federaalkaba. Waxaa iminka ku sugan magaalada Jowhar oo amaankeeda aad loo sugay raysul wasaaraha wadanka mudane Xassan Cali Khayre, madaxwaynaha maamulka Galmudug mudane Xaaf iyo masuuliyiin kale oo fara badan.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS