DAAWO Khudbadii RW Khayre ka jeediyay caleema saarkii madaxweynaha Hirshabeele

Raysul wasaare Xassan Cali Khayre oo ka mid ahaa madaxdii ka qayb galay xaflada caleema saarkii madaxwaynaha cusub ee maamulka Hirshabeele oo maanta oo ah 23da Oktoobar 2017 ka dhacday magaalada Jowhar ayaa halkaas ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa.

 

RIIX HALKAN OO DAAWO MUUQAALKA

 

Mudane Khayre qodobada uu ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa saamaynta uu dalka ku yeeshay qarixii argagixiso ee 14kii Oktoobar iyo qorshaha dib u dhis ee ay dawladiisu wado. Raysul wassaraha ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafka la sheegayo in uu ka dhax taaganyahay dawlada dhexe iyo maamul goboleedyada iyo daymaha ay beesha caalamka ku leedahay dalka Somalia oo dhan 6 bilyan oo doolar.

Khudbadan oo ay si wayn u soo dhaweeyen dadkii dhagaysanayay ayaa waxaa uu sidoo kale ku soo hadal qaaday xoojinta nidaamka federalismka ah oo uu dalkeenu ku dhisanyahay iyo casuumaada uu madaxweynaha dalka mudane Farmaajo u fidiyay madaxda maaul goboleedyada.

 

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS