Madaxweyne Xaaf oo ka hadlay inuu Casuumaad ka helay Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xaqiijiyay inay soo gaartay martiqaad uu Madaxweyne Farmaajo u diray Madaxda maamul goboleedyada, kuwaasoo lagu casuumay inay ka soo galaab shir wadatashi ah oo dhamaadka bishan ka dhacaya magaalada Muqdisho.

 

RIIX HALKAN OO DAAWO MUUQAALKAN.

 

Xaaf ayaa sheegay inuu ka qeyb galayo shirka dhowaan ka dhacaya Muqdisho, taasoo la micno ah in dowladda ay aqoonsan tahay, kaddib markii bishii hore warqad ka soo baxday wasaaradda Arrimaha Gudaha lagu taageeray xil ka qaadistii ay ku sameeyeen Xildhibaano ka tirsan Galmudug.

 

 

Madaxtooyada ayaa ka soo dabacday mowqifkeeda arrimaha maamul goboleedyada oo horay loogu eedeeyay inay fara gelin ku heyso, ayna gadaal ka riix.

 

 

Sidoo kale Xukuumadda ayaa iyana door ku laheyd arrimaha ka jiray maamul goboleedyada, gaar ahaan xaalada Galmudug oo la sheegay inay gadaal ka riixeysay ololaha lagu ridayay Madaxweyne Xaaf.

 

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS