>

DHAGAYSO: MD Xaaf oo Bahdilay Madaxda DFS, Sheegayna Inuu xoog Cadaado uga saari doono Gacal & M.Xaashi

Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), Madaxweynaha Maamulka Galmudug, ayaa si dadban ugu jawaabay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, oo xalay si xanaf ku jirto u weeraray Madaxda Maamul Goboleedyada.

RIIX HALKAN OO DAAWO MUUQAALKAN.

 

Madaxweynaha Galmudug oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Cadaado, ayaa sheegay in Somaliya ay meel xun ku socoto, sababo ku aadan talada dalka oo ay qabsadeen dad aan talin jirin, sida uu yiri.

 

“Dhib ayaa Somaliya ka jira. Dad aan talin jirin baa taliyay oo dadkii talin jiray waa taggeen, Somaliya meel xun bay ku socotaa.” Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

 

Madaxweynaha oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Cadaado, ayaa yiri “Anagu waxaan ka shaqaynay bal in umadda Somaliyeed la isku soo celiyo, oo Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada ay isu yimaadaan, aayahooda ka tashadaan. Ilaahay haku soo hanuuniyo qoloda Dowladda Federaalka. Anagu taladii waan soo qornay, waana maqasheen baan u maleynaya.”

 

Madaxweyne Xaaf, ayaa sheegay in reer Galmudug looga baahan yahay inay Magaalada Cadaado ka nadiifiyan waxa uu ku sheegay masaska iyo halaqyada dhex jiifa, haddii kalena ay lumi doonaan.

 

“Cadaado iyo Galmudug aad iyo aad baan idin salaamaya, roobku waa yar yahay Allaha noo badiyo. Anaguna magaalada inaan ka shaqaysano amnigeeda sugano oo halaqyada iyo masaska dhex jiifa iska saarnaa la rabaa. Haddii aan saan ku sii jirno waan lumeynaa.” Ayuu yiri Xaaf.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS