>

DEG DEG AH:Madaxda Maamul Goboleedada oo Eed Kulul loo Jeediyey iyo Shirkii Kismaayo Khayre kuwajahan yahay.

Ambassador Cabdi Xaaji “Dhaban Cade” oo horay u soo noqday Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Mareykanka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Tallabada ay qaadeen madaxda Maamul Goboleedyada Dalka, kuwaasi oo qaarkood dhinac maray go’aankii dowladda dhexe ay ka qaadatay khilaafka Wadamada Khaliijka.

RIIX HALKAN OO DAAWO MUUQAALKAN.

Waxaana uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in madaxda maamul Goboleedyadu lacaga ay ku badashaan in ay xiriirka u jaraan dowladda Qatar.

 

Sidoo kale Ambassador Cabdi Xaaji “Dhaban Cade” ayaa hoosta ka xariiqay in madax dowlad Goboleedyada, ay dhibaato ka wadaan dalka, waxaana uu ku eedeeyay in ay halis ku yihiin madax banaanida Soomaaliya.

 

 

Hadalkan ayaa imaanaya, xilli dhawaan Maamullada Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed ay sheegeen in ay xariirka u jareen dowladda Qatar, islamarkaana ay la safteen Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

 

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS