DEG DEG AH:Wasiir Geeriyooday isaga oo ku Ordaya Meel Fagaaro ah iyo Wadanka oo la Sheegay in Guud ahaan.

Wasiirkii caafimaadka Tunuusiya ayaa geeriyooday ka dib markii uu wadnuhu istaagay isaga oo ka qaybqaadanayay tartan orod ah oo lagu taageerayay dagaalka ka dhanka ah Kansarka.

 

Slim Chaker oo 56 jir ah ayaa dhacay markii uu ordayay masaafo lagu qiyaasay shan boqol oo mitir.

 

Ra’iisulwasaare Youssef Chahed ayaa sheegay in uu waayay “walaal iyo saaxiib shaqo”, kaas oo geeriyooday isaga oo ku jira hawl banii’aadannimo oo dahabi ah.”

RIIX HALKAN OO DAAWO MUUQAALKAN.

Oradkan ayaa lagu qabtay magaalo xeebeedka Nabeul Axaddii, si loo aruuriyo lacag lagu dhiso xarun caafimaad oo kansarka lagada daweeyo carruurta.

 

Chaker ayaa wasiirka caafimaadka loo magacaabay bishii hore, ka dib markii isku shaandhayn ballaaran lagu sameeyay golaha wasiirrada.

 

Bangiyada ayuu ka soo shaqayn jiray, wuxuuna horay u soo noqday wasiirka maaliyadda iyo wasiirka ciyaaraha iyo dhallinyarada, ka dib markii xilka laga tuuray madaxweynihii muddada dheer xilka soo hayay Zine al-Abidine Ben Ali sannadkii 2011.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS