DAAWO Sawirro: Madaxda Maamul Goboleedyada oo dalxiis aan caadi aheyn ku qaatay Goobweyn

Madaxda Maamul Goboleedyada ee uu shirka uga soconayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ayaa gelinkii dambe ee maanta nasasho u tagey Deegaanka Goobweyn, oo 11km dhinaca waqooyi kaga toosan Magaalada Kismaayo.

 RIIX HALKAN OO DAAWO MUUQAALKAN.

Madaxda oo maalintii 3aad uu shir gaar ahi uga soconayo Xarunta kmg ee Jubbaland, ayaa u muuqday kuwa galabta ka nasanaayay shirka ay ku leeyihiin Magaalada Kismaayo.

 

Madaxweyne-yaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug & Puntland oo waqti ku qaatay Goobweyn, ayaa waxaa la arkayay iyagoo isugu marxabeynaya isu imaatinkooda Kismaayo.

 

Saacadaha soo socda, ayaa waxaa lagu wadaa in dhinacyadaasi ay shirkooda Kismaayo ka soo saaraan War Murtiyeed, haddii aanu waxba iska bedelin sida uu qorshuhu yahay.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 1)
  1. origino says:

    rudcadaadaagan waxaan idinka codsanayaa in in ciyaal suuqa qaootiga yurub iyi mareykanka ka ahaa in aad edeb u yeeshaan haddi kale dadka iyo dalkaba way iibsanayaan




ADS