Farmaajo oo ka hor istaagay Maryan Qaasim inay isku casisho arrinta Qalbi-Dhagax

Wasiirka gargaarka iyo maareynta masiibooyinka xukuumadda Soomaaliya ayaa lasoo sheegayaa in lagu qanciyay iney sii heyso xilkeeda kadib markii ay sheegtay iney iscasileyso.

 

Drs Maryam Qaasim ayaa lasoo sheegayaa iney madaxda DFS gaar ahaan madaxweyne Farmaajo & RW Kheyre ay arbacadii ku wargelisay ineysan xilkaas sii heyn karin maadaama ay aad uga xun tahay siyaasadda dowladda

RIIX HALKAN OO DAAWO MUUQAALKAN.

Wasiiradda ayaa ka carootay go’aankii ay dowlada Soomaaliya ka qaadatay arinta Qalbi-dhagax oo Itoobiya loo gacan geliyay, waxaana ay aheyd wasiirada kaliya ee si cad udiiday iney u codeyso sax ahaanshaha arintan

 

Go’aanka kadib ayaa waxaa wasiirada lasoo hadlay Ra’isul Wasaare Kheyre iyo madaxweyne Farmaajo, waxaana lasoo sheegayaa in lagu qanciyay iney xilkeeda sii hayso.

 

Kadib kulamo sacaado qaatay kadib ayaana lasoo sheegayaa in Drs Maryam ay ku qanacday wadahadalkii Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha ee ahaa iney xilka sii hayso.

 

Wasiirka Arimaha Dibada Yuusuf Garaad iyo kan gudaha Axmed Faarax Juxa ayaa kamid ahaa wasiiradii xukuumada ee sheegey in go’aanka arintan lagu deg degayo.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS