XOG:Maxaadan Ogayn oo Caawa ka jira Villa Soomaaliya iyo Madaxwayne Farmaajo oo la Ogaaday in uu.

Ilo xog-ogaalaha waxay xaqiijinayaan in xaaladda haatan ka taagan gudaha xarunta looga arrimayo Soomaaliya ee Villa Soomaaliya ay hadheeyeen arrimo badan oo u baahan in deg deg wax looga qabto, oo haddaan dhakhso loo maarayn khatar gelin kara sii wada shaqaynta madaxda sare ee dawladda.

 

Arrimaha ugu waaweyn ee khilaafkan haatan taagan ee aan soo shaacbixin ayaa waxa ay salka ku hayaan.

 

  1. Arrintii Bareera ee ay ku nafwaayeen bulshada rayidka ah qaabkii ay xukuumada iyo madaxda dawladu u maareeyeen, iyo sidii kala duwanayd ee wasiiradu uga hadleen, oo qaarkood tilmaameen in argagixiso al-shabaab ah lagu laayey goobtaas waa siday hadalka u dhigeene, madaxda qaarkoodna tacsi direen. Dawladda Maraykanka ayaa iyaduna sheegtay in ay fulinayeen codsi kaga yimi dhinaca dawladda, arrimahaasi waxay ka cadhaysiiyeen sida ilo xog-ogaal ahi sheegeen raysal wasaare Khayre oo dhaliilay wasiiradda kala hadlay oo arrimo aan khusayn faraha la galay sida ilahan xog-ogaalka ahi sheegeen RW Khayre wuxuu amar ku siiyey wasiiradu in ay joojiyaan arrimaha aan Khusayn ee ay ka hadlayaan, wasiirkastana ku ekaado wasaaradiisa wixii laga weydiiyo.

                    RIIX HALKAN OO DAAWO MUUQAALKAN.

  1. Arrinta labaad ee Khilaafka haatan ka taagan Villa Soomaaliya ayaa waxa uu salka ku hayaa Cabdkariim Qalbi Dhagax qaabkii loo dhiibay iyo sida loo maareeyey, iyo cidda qaadanaysa Mas’uuliyadda arrintan, ilaha xog-ogaalka ahi waxay intaasi ku dareen in ay dawladdu aad isugu dayeyso in aanay madaxdu arrintan qaab kala duwan uga hadlin ilaa laysla jaan gooyo qaabkii looga hadli lahaa. Madaxweynaha iyo Raysal wasaaruhu aad ayey arrintan uga doodeen arrimaha qaarkoodna ay isla waafaqeen kuwana ay ku kala duwanaadeen qaabka arrintan loo maarayn karo iyo cidda mas’uuliyadda qaadaysa.

 

 

  1. Xaaladda ka dhex aloosan wasaaradda ganacsiga iyo Rugta Ganacsiga.

 

Sadexdan arrimood marka laga yimaado waxaa iyaguna jira xaalado kale oo tiro badan oo ka taagan gudaha xukuumada oo kala dhantaali kara guulihii ay dawladu gaadhay iyo waxyaalaha laga filayo, arrimahaas oo haddaan wax laga qaban wiiqi kara horumarka dawladda.

 

SII RIIX HALKAN OO DAAWO MUUQAALO KALE.

Sida ay tibaaxayaan Ilahan xog-ogaalka ahi waxyaalaha dhaawacyada sababay waxaa ka mid ahaa shir saxaafadeedkii tooska ahaa ee dhawaan Raysal wasaaraha , wasiiro badan iyo taliyaha sirdoonka ka qayb galeen.shirkaas oo la taliyayaal ku dhow golaha wasiirada ay ka soo shaqeeyeen hasa yeeshee ay ka dhalatay dhaawacyo sababay buuq, ayna ugu weynayd su’aashii laga weydiiyey Qalbi Dhagax ee taliyaha sirdoonkuna qaab uga jawaabay Raysal wasaaruhuna qaab uu ku tilmaamay afduub u guud maray, waxayna ilahan xog-ogaalka ahi sheekeen in labada mas’uul intaanay shirka soo galin ka hor hawsha Qalbi Dhagax ka doodeen qaabkii loo maareeyey, jawaabta Taliyaha Sirdoonka Sanbalooshana laga dareemayey in uu jeclaystay in aan lagu sii dheeraan.

 

 

Arrimaha haddaba xilligan taagan ayaa waxa ay dawladda ku ajburayaan in ay uga jawaabto qaab degan oo aan sababin dhaawac kale, sida muuqatana goobta dhibaatadu ka jirto waxay u muuqataa in madaxda qaarkood ogaadeen arrintan Qalbi Dhagax xilli la dhiibay oo lagu wareejiyey Itoobiya sida ilaha xog-ogaalka ahi sheegeena mas’uulkii ogaaday xilligii hawshii dhiibitaanku dhammaatay uu aad u cadhooday, cadhadaasina ay dhalisay muranka haatan ka taagan Villa Somalia iyo sidii loo maarayn lahaa waxna loogu sheegi lahaa bulshada.

 

 

Xukuumadda Soomaaliya xilligan waxaa la gudboon arrintan Qalbi Dhagax ee taagan in ay u maareeyaan sida ugu fudud ee loo yarayn karo in dhaawac kale dhaco , haday noqoto dhinaca xukuumada dhexdeeda ama dhinaca bulshada. Waxa kale oo xukuumadda la gudboon in ay wax ka qabato talaabooyinka fudaydku ka muuqdo goobaha qaarkood, waxaana muuqata la taliyayaasha dhinaca warbaahintu in ay ka mid tahay goobaha ay dawladdu ka liigayso, waxa kale oo muuqda in la taliyayaasha arrimahan ku xeel dheer ku yar yihiin xukuumada. Waana dhibaatada had iyo jeer la soo gudboonaanaysay xukuumadaha afartii sanno-ba la badelayo, oo ay kaalmaha muhiimka ah buuxinayaan dad aan khibrad badan u lahayn maaraynta mushkiladaha.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 2)
  1. Origino says:

    Today Somali people have witnesed Farmmjo and his state apparatus committing the biggest treason in the name of the somali people. today somalese across the world are shocked the action of treason by farmaajo administration to handover Abdikarim to Ethiopian govt.Both under UN geneva convention and under somali constitution this act is illegal, inhumane and un patriotic. onbehalf of somali people we request honourable members of the somali federal parlement to submitt motion for impeaching farmaajo once once once he committed crime against the nation they should immediately relieved their duties and send them back where they were asylum seekers.

  2. Origino says:

    The boy who sang”Camoole miyaa igu sawir wadani baan ahay kaalay iska arag”was absoletely 100% right.Sometimes the poets, singers, have somekind of instinct that make them feel the upcoming omens a good example is the boy who sang the song camoole miyaa igu sawir have depicted lack of patriotism the two men running the current adminsteration of somali govt.




ADS