“Madaxda dowladda waxay u bareereen khiyaano qaran” Ogow Sababta

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa si kulul uga hadlay tallaabadii dowladda Itoobiya loogu gacan geliyay C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ahaa Saraakiisha sar sare ee Jabhadda ONLF.

Qoraal uu Bartiisa Facebook soo dhigay ayuu ku tilmaamay inuu ahaa fal aad u xun oo qiyaano qaran ah, isagoo xusay in dowladda Soomaaliya ay madaxdeeda u bareertay.

 

“Waxaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa falka xun oo khiyaanada Qaran ah oo dawladda Soomaaliya madaxdeedu u bareertay kaddib markay caddaatay inay Mawaaddin Soomaali ah u gacan gelisay cadow shisheeye ah oo caawa hilbahiisa ay cunayaan waraabayaal gumayste kan ugu fool xun ah”ayuu yiri Xildhibaan Zakariye.

HALKAN RIIX OO DAAWO MUUQAALKAN.

Xildhibaan Zakariye ayaa sheegay in falkaas uu beri ka yahay, isla markaana ay aheyd fal basaasnimo ah sida uu hadalka u dhigay

 

“Waxaan naftayda iyo inta waddaniyiinta ahba ka beri yeelayaa falkaas dabaqoodhinimada iyo basaasnimada ah”ayuu yiri Xildhibaan Zakariye.

 

Waxaa uu sheegay in aanay falkan la isaga hari doonin, inta shacabka iyo wadaniyiinta Soomaaliyeed nafta ku jirto, waxaana uu tilmaamay in lala xisaabtami doono ragga khiyaanada Qaran sameeyay.

 

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Federaalka ayaa hadalo kulul ka soo saaray, kaddib markii uu soo shaac baxay in dowladda Itoobiya loo gacan geliyay C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax), kaasoo dhowaan laga soo qabtay Gaalkacyo, loona soo gudbiyay Magaalada Muqdisho.

 

Ururka ONLF ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay dowladda Itoobiya u gacan gelisay C/kariin Sheekh Muuse Qalba-Dhagax, iyagoo ku eedeeyay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka Itoobiya u fadhiya Muqdisho inay arrintan ka dambeeyeen.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 2)
  1. origino says:

    the three men , the bad , the stupid and the weak are today running the country called somalia. those three men had previousely asked asylum foreign countries , united states and norway they were granted states to protect them.in the case of abdikarim they couldn’t even recall what what they have been through in the past what a buinch of idiots how they can run the whole country. hoeless period.

  2. origino says:

    somalese become unfortunate people when run those three idiots who could’t learn their past as asylum seekers in foreign soil. on the other hand their defenders are jeesow the ignorant and and the two crooks known diriye and xaaf.




ADS