XOG XASAASI AH:Qoraal ka hadalay Dadka la Gumaysto iyo Habka dhulkooda loo qaato.

Patrick Wolfe waa aqooyanhan ku xeel dheer daraasaadka isticmaarka ku la soo daga (Settler colonialism) iyo qaabka dadka la qabsado dhulka looga qaato isagoo qoray maqaal dheer oo uu u bixyey “Settler Colonialism and the elimination of the native” (Isticmaarka kula daga iyo sida loo cidhib tiro dadka dhulka leh).

 

Mar uu ka hadlayey sida loo cidhib tiro dadka la qabsado loogalana wareego dhulkooda ayuu is bar bar dhigay laba tabcooyin oo cadaankii qabsaday dhulka manta aan u naqaan maraykanka oo ay daganaan jireen Red Indians (ama hindida cas cas). Wuxuu soo qaatay General Phil Sheridan oo ahaa ninkii bixiyey odhaahda caanka ah ee ah “ The only good Indian is a dead Indian.” (Hindiga cas ee fiican waa ka maydka ah uun), oo uu ula jeedo kuligood waa inaan laynaa si aan bilaa qashqashaad dhulkooda aan qabsanay ugu noolaano.

 

Waxaa kale oo uu soo qaatay qaab kaas ka duwan oo ah jidkii uu maray Richard Pratt oo ahaa aasaasihii Dugsi Boarding School ah oo la odhan jiray “Carlisle boarding school for Indian youth” ahaana madaxa hay’ad dadka tabaalaysan caawisa oo la yidhaa “Friends of the Indian” (saaxiibada hindida cascas).

 

Patrick Wolfe waxa uu leeyahay labada nin kan leh aan layno hindida cas cas iyo kan leh aan iskuul u furno isku wax ayey u socdeen, aakhirkiina ka iskuulka furay ayaa ka wax tar badnaaday marka la eego baabi’inta dadkii la qabsaday. Taas oo uu ku caddaynayo in ujeeddada Generalka yidhi ha la laayo ay ahayd in la cidhib tiro hindida cascas jidh ahaan; halka ka iskuulka dhaqankooda waxaan ahayn lagu barayo ama “assimilation” lagu samaynayo ay ahayd inuu hindida cas cas cidhib tiro maskax ahaan iyagoo qalfoofkoodu nool yahay!

 

Waana ta keentay in markii danbe Richard Pratt uu xalaaleeyo jidkii Generalka isagoo sidan u dhigay wadada loo marayo cidhib tirka kuwa dhulka loogu yimid: “all the Indian there is in the race should be dead. Kill the Indian in him and save the man” (wax alle wixii hindinimo ah ee ku jirta qofka waa inaan dillaa; ka dil hindinimada ruuxdiisa, jidhkiisana badbaadi”.

 

Patrick Wolfe wuxuu markaa leeyahay labada tabcooyin waxaa sii halis badan kan dadka waxbaan barayaa leh, sababtoo ah ka wax toos u laaya inta ka firxata waxaa u baaqda waxoogaa dadnimo iyo dhaqanka ama identity ah. Kan isagoo nool maskaxda laga badalay wuu cidhib tirmaa hal jiil ama laba jiil ka dib.

 

Sidee arintani inoo quseeysaa?

 

Xilligii dawaldii mingistu xaylemariam si toos ah ayaa la inoo odhan jiray “shiritam somale” (somali xun oo macawis xidhan ayaad tahay). Dagaal cadna waa la inagu hayey. Taasi waxay keentay in dadkeeni qaar Somalia u baxsadaan; qaar jabhadeeyaan; qaar meelo kale u qaxaan; balse mar walba ay maskaxda ku hayaan in dhulkoodii halis ku jiro; caruurtoodana ay u sheegaan.

 

Maanta waxaa taagan “horumar”, “somali iyo Tigree ayaa saaxiib ah”, biyo-galin, iskuul boarding ah, iyadoo aan wali meel la isla saarin mustaqbalka siyaasadeed ee dhulka.

 

Is waydii waxa Soomalinimada iyo wixii buluug ah oo dhan loola diriray?

 

Is waydii waxa sanka la isaga galinayo Tigree aydaan isku diin ahayn ayaa kaa xiga reer Hargeysa ama Reer Muqdiisho oo aad is dhasheen, kala guursataan, isku masaajid ku tukataan?

 

Is waydii waxa taalada Sayid Maxamed looga taagay Jigjiga looguna qasbayo inuu matalo itoobiyaanimadii uu shalay la dagaalayey? Is waydii Sayidku raali ma ka ahaan lahaa in qol-shireed (hall) nacayb soomaliyeed lagu hayo loogu magac daro?

 

Is waydii waxa odaygaagii, siyaasigaagii, aqoonyahankaagii looga ilaaliyay talada?

 

Deedna kac oo wax akhri! Waxa kaliya ee aad kaga badbaadi kartaa halistaa waa inaad marka hore ku baraarugsan tahay!

 

IQRA! Bi Ismi Rabika!

Waa Qoraalkan Diyaariyey  Aqoonyahan  Mustafa Omer

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS