Wasiir Xoosh Oo Arimo XasaasiAh Kala Hadlay Ergeyga EU Somaliya Kulan Ka Dhacay Kismaayo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa la kulmay Safiirka  Midowga Yurub (EU) u fadhisa Soomaaliya Amb Veronique Lorenzo, gelinkii dambe ee Talaadadii kulanka waxaa Wasiirka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr.

Wasiirka iyo Safiirka  ayaa intii uu kulankooda socday kawada hadlay sidii EU ay u taageeri lahaayeen hannaanka dib-u-eegista Dastuurka.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh ayaa ugu horeeyn Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dawladda Soomaaliya, dhanka kalena waxa uu ka codsaday in Wasaaradda lagu garab istaago hawlaha ay dadka Soomaaliyeed u hayso.

Safiirka  ayaa dhinaceeda aad usoo dhaweysay isla markaana bogaadisay howlaha iyo latashiyada baaxadda leh oo ay Wasaaradda muddooyinkaan waddo, waxayna dhiirigelisay in la sii xoojiyo waxey ballanqaaday in EU ay si buuxda u taageereyso dib u eegista Dastuurka.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS