Waalidiin Badan Oo Soomaaliyeed Oo War Ay Ku Farxaan Ka Helay Xukuumada Soomaaliya

Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa sheegtay in dhawaan wafdiga ka socda Dowladda Federaalka Soomaliya ay gaari doonaan dalka Hindiya si dowladda dalkaas ay u kala saxiixdaan heshiis dhigaya in lasoo daayo maxaabista Soomaliyeed ee dalkaas ku xiran.

Raisul Wasaare kuxigeenka Xukuumada Federaalka Mahdi Axmed Guuleed Qadar oo warbaahinta kula hadlay magaalada muqdisho ayaa sheegay in wafdi isugu jira wasiirka Garsoorka iyo cadaaladda Xukuumadda Somaliya iyo xeer ilaaliyaha qaranka Soomaliya ay dalkaas dhawaan u ambabixi doonaan si ay usoo saxiiyeen heshiiska dhigaya in lasoo daayo Maxaabista Soomaliyeed ee dalkaas ku xiraan kuwaasi oo lagu soo deynayo wada-hadal dhex-maray Dowladaha Hindiya iyo Soomaliya.

“Maxaabis lagu qiyaasay 118- ayaa ku xiran dalka Hindiya, bisha soo socota ee August waxaa dalka Hindiya u amba-baxya wafdi  isugu jira wasiirka Garsoorka iyo cadaaladda Xukuumadda Somaliya iyo xeer ilaaliyaha qaranka Soomaliya, waxayna soo saxiixi doonaan heshiiska lagu soo deynayo Maxaabista Soomaliyeed, wasaaradda arrimaha gudaha Xukuukamadda Soomaliya ayaa dhameysay heshiiskaan”, ayuu yiri Mahdi Axmed Guuleed Qadar.

Sidoo kal Raisul Wasaare kuxigeenka Xukuumada Federaalka Mahdi Axmed Guuleed Qadar ayaa sheegay In Jaziiradda Seychelles ay ku xiran yihiin 115-dhalinyaro Soomali ah islamarkaana dowladda Soomaliya ay dhalinyaradaas u sheegeen in halkooda sii joogi doonaan.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS