DHAGEYSO: MD Hir-shabeelle Oo Soo Bandhigay Dhac Ay Ugeysteen Maamulka Puntland+Xiisad Cusub

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Hir-shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa Maamulka Puntland ku eedeeyey in hantidii dadka reer Hiiraan dhac ay u gaysteen ayna uga badasheen waraaqo ay soo daabaceen, wuxuuna ka codsaday in ay arrintaas mag-dhaw ka bixiyaan, dowladda dhexe ee Soomaliya.

Waxa uu sheegay  Madaxweyne Osobole in aan la aqbali karin sida Puntland ay ula dhaqantay reer Hiiraan,oo haatan la gaarsiiyay dhibaato aad u weyn madaama hantidooda loogu badashay waraaqado loo soo daabacay.

HALKAAN RIIX SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

Sidoo kale madaxweynah Dowladda Goboleedka Hir-shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in Dowladda Dhexe ee Soomaliya iyo Maamulka Puntland laga sugayo lacagaha mag-dhowga ee la siinayo shacabka la qiyaamay hantidooda.

Shalay ayay aheyd markii magaalada Baled-weyne  ee Gobolka Hiiraan lagu soo bandhigay lacago faalso ahaa oo shilling Soomali ahaa kuwaasi oo la sheegay in laga keenay dhanka deeganada maamulka Puntland.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS