HOTNEWS: Ciidan Katirsanaa Kuwa Alfa Group Ee Soomaaliya Oo Waxyaabo La Fileyn Shaqada Looga Ceeriyey

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in la ruqseeyay askar badan oo ka tirsan Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Gaashaan oo xarun ku lahaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Go’aanka shaqada loogu rusqeeyay askartaan ayaa lagu sheegay  isku dhac dhex maray ciidamadaan iyo mas’uuliyiinta shirkad Mareykan ah ee gacanta ku heysay ciidamadan loo yaqaano Gaashaan, kaasoo ku saabsanaa dhanka awaamiirta,islamarkaan Ciidamada ay diideen qaadashada amarka.
Waxaa Sidoo kale la sheegay in khilaaf uu ka dhashay qalab ciidan oo la sheegay in lagala baxay Xerada ay degenaayeen Cii ciidamadan sida gaarka u tababaran ee Soomaalida ah, taasoo keentay in askar dhowr ah la ruqseeyo.
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya ayaa sheegtay In  Ciidamada Gaashaan aanay ka amar qaadan Wasaaradda iyo Taliska NISA, marka loo baahdana ay weydiisan jireen Saraakiisha maamuleysay ciidamadan.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS