Dawlada Soomaaliya Oo Qorshe La Yaab Leh Ku Dooneysa in Deymaha Caalamka Uga Cafiyaan

Dr C/axrmaan Ducaale Beyle Wasiirka  maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa kulankaan uu xafiiskiisa kula qaatay wafdigan ka socday Bankiga Aduunka oo uu hogaaminayay Hugh  Ridell madaxa Bankiga Aduunka u qaabilsan Soomaaliya  waxaa diiradda lagu saaray horumarinta hanaanka maamul maaliyeed ee dalka, kor u qaadista taageerada Bankiga Aduunka uu siiyo Soomaaliya iyo sidii deymaha looga cafin lahaa sida uu sharaxay wasiirka Maaliyadda Soomaliya.

“ Waxaan lakulanay madax Bankiga aduunka waxaana aan ka wada hadalnay kor u qaadista taageerada Bankiga aduunka uu siiyo Soomaaliya, sidii deymaha na looga cafin lahaa, waxaana ku heshiinay in aan horey u socono”sidaasina waxa yiri wasiirka maaliyadda Dowladda Soomaaliya.

Hugh  Ridell Bankiga aduunka u qaabilsan Soomaalia ayaa sidoo kale waxaa uu kulan la qaatay wasiirka warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yiriisow oo ay isna ka wada hadleen arrimaha la xiriira garab istaaga Bankiga Aduunka ee Soomaliya iyo sidii warfaafintu dowr uga qaadan lahayd arrimahaasi,  sida uu warbaahinta u sheegay Eng Yiriisow.

“Wasiir Beyle” waxaan filaynaa in aaqairka sanadkan aan mar isku imaan doono , waxaan aniguna ku saxiixay heshiiskan ka yimid Bankiga horumarinta Africa oo ay ku taalao lacag deeq ah oo dhan 1 milyan oo loogu talagalay dadka ay abaaruhu saameeyeen” ayuu hadalkiisa sii raaciyaay wasiirka maaliyadad Soomaaliya.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS