Isbahaysiga RAJO oo soo bandhigay awooda Lixaadka leh ee shacabkeena (368 qof oo Soomaali ah Akhriso Liis hordhac ah)

Liiskaan oo ay ku qoran yihiin 368 qof oo horudhac ayaa Isbahaysiga Mideynta iyo Rajo soo celinta Soomaaliyeed ee RAJO soo gaarsiiyeen warbaahinta iyagga oo sidoo kale qoraal ka soo baxay ku sheegay inay wadaan Ololo weyn dalka gudihiisa iyo dibadiisa taas oo looga dan leeyahay raadinta Qaranimadda, iyadda oo Qodobadda ugu muhiimsan ay ka mid yihiin.

1. In la isku xiro qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
2. In dib loo soo nooleeyo xasuustii Qaranimada dalkeena.
3. In la ururiyo khibrada iyo Aqoonta balaaran ee dadkeenu leeyihiin si loogu diyaar garoobo bad-baadinta Qarankeena.
4. In dib u heshiisiin dhab ah oo dan gaar ah aan laga lahayn la dhex dhigo Ummadeena.

Dr. Cadow Jimcaale oo u hadlay Isbahaysiga Mideynta iyo Rajo soo celinta Soomaaliyeed ee RAJO ayaa u sheegay Warbaahinta in Liiskaan hordhaca ah uu xambaarsan yahay macno fara badan.

“Liiskaan kooban wuxuu tusayaa dhalinyaraddeena awooda, khibarda iyo Waayo-aragnimada faraha badan oo ay Ummadeenu leedahay, waxayna cadeyn u tahay in aysan suura gal markaan noqon doonin in ay sii socoto quursiga lagu hayo shacabkeena oo looga dan leeyahy kaliya in si fudud loo boobo mustaqbalka hantida faraha badan ee dahsoon ee dalkeenu leeyahay.” Ayuu yiri Dr. Cadow Jimcaale.

Dr. Jimcaale wuxuu kaloo raacshay hadalkiisi  “Isbahaysiga Mideynta iyo Rajo soo celinta Soomaaliyeed ee RAJO  waxa uu dhawaan bilaabi doonaan shirarkii dib u heshiisiinta iyo Badbaadada Qaranka ay horey u balanqaadeen kuwaas oo qof kasta oo Soomaali ah, Wax ku ool ah aan laga xigsan doonin Hadii Alle idmo.”

Halkaan ku dhuf si aad u akhristo Liiska oo dhameystiran ( PDF)

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 1)
  1. origino says:

    dadkii somaliya lugooye liskooda uma baahnin waa hawl gab qabyaaliistayaal ah oo horeyugu fashilmay siyaasadda somaliya. waxaa loo baahanyahay dhalinyaro somaliyeed in shaanis la siiyo. kuwani magacyadooda ayaa fashilayaa tolow maxay dhibiyo balaayo somaliya ay usoo wadaan. all the lossera are ready to fight back .no somali interst all the master of disaster are here somalis be aware of




ADS