TOPNEWS: Danjiraha Mareykanka Ujooga Soomaaliya Oo Aqbalay Codsi Farmaajo Bilo Ka Hor Usoo Jeediyey

Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay inay dhammaadka sanadkan ay dib uga furanayso safaaradeedii magaalada Muqdisho,iyadoo la xirey safaaradii Maraykanka uu ku lahaa Muqdisho sanadkii 1991dii.

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa sheegay in Maraykanka uu mar kale howl-gal diblomaasiyeed oo rasmi ah ku yeelan doono Soomaaliya, marka ay Muqdisho ka furtaan xafiisyo dhammaadka sanadkan.

Stephen Schwartz ayaa sheegay in xarunta cusub ee Maraykanka ee Muqdisho la furi doono bisha Oktoobar ee sanadkan,isagoo xusay inay dowladiisu hayso lacag ay safaarad cusub ugga dhisato Muqdisho.

Safaaradii hore ee Maraykanka eek u lahaa magaalada Muqdisho ayaa haatan waxa ay ka mid noqotay xaafadaha magaalada iyadoo ay guryo ka dhisteen dad shacab ah. Hase yeeshee lama oga in Maraykanku uu dalban doono in dhulkiisii loo soo celiyo ama deegaankale ka dhisto safaarada.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS