DAAWO: Waa Kuma Wasiirkii Ku dhintay Qaraxii Muqdisho & Qaabkii uu ugu dhintay Weerarkaas

Wasiirkii Dhalinyarada & Ciyaaraha ee Maamulka Jubbaland, Maxamed Maxamuud Yuusuf (Aw Libaax), ayaa Khamiistii ka mid noqday dadkii ku dhintay ismiidaamintii ka dhacday Saldhiga Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

RIIX HALKAN OO DAAWO MUUQAALKAN.

Wasiirka, ayaa xalay Isbitaalka Digfeer ugu geeriyooday dhaawac culus oo dhinaca madaxa ka soo gaaray. Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Dhalinyarada & Ciyaaraha Somaliya, ayaa muuqaal ay xalay soo dhigtay barraha bulshada ku shaacisay geerida marxuumka.

 

Xildhibaan Maxamed Daa’uud Cumar (Codweyne) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland, ayaa sheegay in ay wada socdeen marxuum Maxamed Maxamuud Yuusuf, xilligii uu dhaawacu soo gaaray.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS