DAAWO: Dambeyn Xukun Aan La Fileyn Oo Saaka Lagu Riday Ninkii Dilay Wasiir Cabaas Sheekh Siraaji

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa saaka xukun dil ah ku riday  Axmed C/llaahi Cabdi oo lagu helay inuu dilay Wasiirkii howlaha Guud iyo Guriyeynta Marxuum Cabaas Siraaji.

Dhageysiga Kiiskan oo todobaadkii hore la soo gaba gabeeyay, markii maxkamaddu dhageysatay marqaatiyaasha iyo qirashada ninkan lagu helay dilka ayaa ugu dambeyn saaka riday xukunka.

Ninka xukunka dilka lagu fuliyay oo ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ka mid ahaa Ilaalada Hanti dhowrkii Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax, kaasoo xilkiisa ku waayay shilka lagu dilay wasiirka.

Allaha u naxariistee Wasiir Cabaas Siraaji ayaa la dilay horaantii bishii May ee sanadkan, markii gaari uu saarnaa uu ku dhawaaday gaari kale oo la socday Hanti dhowrka Guud, waxaana rasaas ku furay Ilaalada saarnaa gaarigaas oo marayay nawaaxiga Madaxtooyada.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS