DHAGEYSO: Ganacsade Si Weyn Looga Yaqaanay B/weyne Oo Lagu Dilay Xaafada H/Wadaag+XOG CUSUB

Kooxo hubeysan ayaa xalay xaafada Howl-wadaag ee galbeedka magaalada Beledweyn ku dilay Ganacsade caan ahaa, iyadoo kooxdii hubeysneyd ee dilka geysatay ay baxsadeen.

Ganacsadaha la dilay ayaa lagu magacaabo jiray Ibraahim Cismaan Muumin oo loo yaqaanay Ibraahim Fanax, kaasoo caan ka ahaa magaalada.

HALKAAN RIIX SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

Dhowr jeer oo hore ayaa magaalada Beledweyn waxaa lagu dilay Ganacsato, odayaal dhaqameed iyo culumaa’udiin, waxaana dilalkan ay ahaayeen kuwo silsilado ah oo lagu bartilmaameedsaday dadka wax galka u ah bulshada.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu la shaqeyn jiray Shirkad lagu magacaabo Goobaalle oo horay u dhistay inta badan goobaha Danta Guud ee xaafadaha Beledweyn.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS