DAAWO: Muslimiin Salaad Kasoo Baxay Oo Gaari Lagu Jiirsiiyey Bartamaha London+Muslim Naceybka Oo…

Shacab Soomali ah iyo Muslimiin kale oo Kasoo baxay Saladda Taraawiixda ayaa xalay waxaa gaari wayn oo VAN ah lagu marsiiyay Laamiga wayn ee kasoo horjeeda Masjidka Finsbury Park ee Waqooyiga London .

Gaariga wayn ee VAN ga ah ayaa waxa uu Jiiray dadyoow badan oo isugu jira Soomaali iyo Shacabka kale oo Muslimiin ah oo xiligaas kasoo baxay Saladda Taraawiixda ee Masjidka Finsbury Park ee London Wuxuuna Gaariga lagu dhuftay Sida la sheegay dugaan ku dhagnaa masjidka .

Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Finsbury Park ee Waqooyiga Lodnon ayaa sheegaya in Goobta shilka ka dhacay uu ku dhinay hal qof ,Waxaana wararka intaa ku darayaan in ay jiraan dhaawacyo badan oo soo gaaray Dadkii kasoo baxay Masjidka.

Ugu danbayntii waxaa la qabtay Ninkii Waday Gaariga Van ga ah ,wuxuna hada ku Jiraa Gacanta Ciidamada Booliska Magaalada London Waxaana Goobta Shilka ka dhacay soo gaaraya Gawaarida Gurmadka oo daad gureenaya Dadka ku dhaawacmay Shilka.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS