DAAWO: Farmaajo Oo Arin Lagu Dhibsaday Xasan Sheekh Maxamuud Ka Bilaabay Muqdisho

Inta badan waddooyinka loo yaqaano jid cadayaasha ee dhex mara xaafadaha ayaa saaka dadka reer Muqdisho ku soo tooseen, iyadoo lagu xiray dhagxaan iyo carro, iyadoo dadku ay dib u soo xusuusteen shir madaxeedkii Urur Goboleedka IGAD oo sidan oo kale waddooyinka jid cadayaasha ee xaafadaha loo xiray.

Waddooyinka Jid cadayaasha isgoyska Banaadir, Zoope, Digfeer, Tarabuunka ayaa lagu gooyay dhagxaan iyo carro, iyadoo arrintan saameyn ku yeelatay isu socodkii xaafadaha.

Sidoo kale Isgoyska Zoope illaa Danwadaagaha degmada Wadajir ayaa iyana jid cadayaasha mara ee soo aada laamiga lagu gooyay dhagxaan iyo carro, waxaa kaloo jira xaafado kale oo ku dhow dhow Jidka Maka Al-Mukarama oo jid cadayaasha mara iyana dhagxaan lagu gooyay.

Dowladda uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo ayaa qaadeysa tallaabadii dowladdii hore caanka ku aheyd, sida jid xirashada, iyadoo balan-qaadkii Madaxweynaha uu ahaa in jidadka xiran la furayo, balse taa cagsigeeda wuxuu noqday jidad hor leh iyo jidadkii xaafadaha marayay in dhagxaan iyo carro lagu xiro.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS