Waddan Ku Yaalla Qaarada Yurub Oo Aqoonsaday Baasaboorka Soomaaliya (WAA KUMA DALKAASI)

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa lagu Muujiyey in Dawlada Norwey ay aqoonsatay baasaboorka Soomaaliga.

Inkastoo Baasaboorka La Aqoonsaday uu yahay midka Madaxda Soomaalidu Isticmaasho Ee Diblomatic Passport ayaa hadana ay tahay Guul usoo hoyatay Dalka.

Qaarkood Dadka waxey qabaan in Dalal badan ay ku dayan doonaan Norwey kuna rajo weyn yihiin in Baasaboorka Dadka Rayidka Adeegsadaan iyaguna La Aqoonsan doono.

Agaasimaha Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi ayaa sheegay in Dalal badan oo Caalamka ku yaalla ay ka dhaadhicin doonaan wax ka qabashada Baasaboorka Dalkeena oo aan Aqoonsi aysan siinin.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS