Haweeneey Caan Ah Oo Xil Culus Looga Magacaabay Madaxtooyada Soomaaliya {MAGACEEDA}

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa Magacaabay Agaasime ku xigeenka dhanka maamulka iyo maaliyadda Madaxtooyadda Soomaaliya.

Mudane Farmaajo ayaa Markii ugu horeysay haweenay u magacaabay Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada,waxaana tani ay muujinaysa doorka ay haweenka Soomaaliyeed dowladda ku leeyihiin.

Aamina Saciid Xasan oo horay u soo noqotay Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaankii KMG ayaa si rasmi ah loogu magacaabay Agaasime kuxigeenka dhanka Maamulka iyo Maaliyadda Madaxtooyada.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa tan iyo Markii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , waxaa ay gashay Marxalado kala duwan ,iyadoona ay xusid mudan tahay in saddex bilood ay Villa Soomaaliya yeelatay Saddex Agaasime.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS