FAAH FAAHIN: Dagaal La Isku Jilbo Dhigtay Oo Shabaab & Dowlada Ku Dhexmaray Gobolka Bakool

Faah faahin dheraad ah ayaa kasoo baxeysa Dagaal xoogan o Ciidamada Dowlda iyo Al shabaab ku dhax maray Degaan ka tirsan Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Wararka ayaa tilmaamaya in degaanka Ceel-lahelay oo hoostaga Degmada Xudur ee Caasimadda Gobolka Bakool uu ka dhacay Dagaal Culus.

Dagaalka ayaa Mudo Saacado ah qaatay,waxaana uu Sababay dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaaray Labada Dhinac.

Ugu yaraan 5 Qof oo labada Dhinac ah ayaa la Xaqiijiyay in Dagaalka ay ku dhinteen,waxaana Dhaawacu uu gaarayaa illaa 10 kale sida ay sheegeen Goobjoogeyaal ku sugan Ceel-lahelay.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS