DHAGEYSO: Ra’iisal Wasaare Kheyre Oo Hubka Dhigista Xamar Ka Wadaan Arin Kale Kusoo Hoos Geliyey Shacabka

Isagoo xalay shaqo badan qabtay R/wasaare Xasan Cali Kheyre kormeerna kusoo kala bixiyey Qaar ka mid ah Isgoysyada Muqdisho ayuu hadana Meelo kale Tagey.

Xasan Kheyre oo Booqday Cusbitaalka Madiina ayaa la kulamy qaarkood dadkii ku dhaawacmay Weerarkii Hoteel Boosh iyo Pizza House lagu qaaday dhawaan.

HALKAAN RIIX SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

Mid mid ayuuna R/wasaare Kheyre uwareystay Xaaladooda Dadka dhaawaca ah ee Cusbitaalka Madiina uu ku Arkay.

Waxey sheegeen in loo dedaalay oo Adeeg Caafimaad Dhakhaatiirta usameeyeen isagoo sheegay in wax badan ay dadkaan Alle Caafimaad uweydiinayaan.

R/wasaare Kheyre ayaa soo hadal qaaday Qorshaha ah xasilinta Muqdisho iyo Hubka Dhigista isagoo dalbaday in lagu caawiyo Hubkaasi Uruurintiisa Shacabkana ka dalbaday inay dhankooda ka howlgalaan.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS