Dagaal Maanta Ka Dhacay Gudaha Buula Burde & Xarakada Shabaab Oo War Kasoo Saartay

Dagaal Culus ayaa waxa uu maanta ka dhacay Degmada Buula burde Ee Gobolka Hiiraan iyadoo warar dheeraad ah la helayo.

Xarakada Shabaab ayaa weerarkaan sheegtay in iyagu ay ka dambeeyeen khasaarana uu jiro.

Waxaa hawada ka maqan Isgaarsiintii Magaalada waxaana la beegsaday Xerooyin Ciidanka Jabuuti iyo kuwa Dawlada kusugnaayeen.

Dadka ku dhaqan Buula burde ayaa waxay sheegeen in ka hor isgaarsiinta inta aysan go’in rasaas culus ay maqlayeen.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Taliska AMISOM ee kusugan Buula Burde iyo Saraakiisha Ciidanka Dawlada Ee Kusugan Halkaasi.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS