DAAWO: Madaxda Qaranka Oo Xasan Cali Kheyre Kaga Wanaagsanaaday Hal Qodob Xitaa Farmaajo Wuu Ka Fiican Yahay!!

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Xalay  kormeer shaqo oo uu ugu kuurgalayo sida ay ku socdaan howlaha xasilinta amniga caasimadda ku maray qaar kamid ah degmmiyinka Gobalka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya degmooyinka uu Xalay kormeerka ku waxaa kamid ah:- Wadjir, Hodan, Howl wadaag, Warta nabadda, Yaaqshiid, Waaberi, Xamarweyne, Shangaani, Cabdalcasiis, isagoo warbixino ka dhageystay saraakiisha ciidamada ee uu kula kulmay waddooyinkii uu kormeerka ku maray ra’iisul wasaaraha.

Mudane Kheyre ayaa Isgoyska Barkaaraha kula kulmay Ciidamo ka tirsan Howlgalka Xasilinta Amniga Caasimadda oo howlo baarintaano ah xilligaas ku howlanaa, wuxuuna bogaadiyay sida wanaagsan ee ay ciidamadu u gudanayaan waajibaadka qaran ee loo xilsaaray, taas oo ay Xalay  ku jiifaan maaliyiin Soomaalia ah oo ku nool magaalada Muqdisho.

Isgoysyada Qaar wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu kula kulmay dadweyne Soomaaliyeed oo dhallinyaro iyo waayeel isugu jiray, kuwaa oo qaarkood ku gudajiray howlo ganacsi, iyadoo saacaddu ay ka gudubtay 12:00Am Waqtiga Geeska Afikada Bari.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS