XOG CUSUB: Magaca iyo beesha uu kasoo jeedo shaqsigii isku qarxiyey Pizza House

Waxaa soo baxaaya xogo dheeraad ah oo laga helaayo shaqsiyada wadihii Gaariga isku miidaamiyay Pizza House iyo Posh Treats oo ku yaalla agagaarka Isgooyska Banaadir ee Degmada Hodan.

 

Gaariga oo ahaa nooca loo yaqaan Caasiga oo midabkiisu yahay qalin ayaa la xaqiijiyay inuu kasoo baqoolay Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, halkaa oo xiliyada Habeenkii ay inta badan ka arimiyaan maleeshiyaadka Al-shabaab.

RIIX HALKAN OO DAAWO MUUQAALKAN.

Gaariga ayaa inta uu kusoo jeeday Maqaayadaha Pizza House iyo Posh Treats soo maray wadada Tarabuunka gaar ahaan baro koontarool oo ay ku sugnaayen ciidamada Imaaraadka.

 

Gaariga oo ay la socdeen Shan maleeshiyo ayaa Maqaayadaha Pizza House iyo Posh Treats kasoo galay dhabarka danbe, iyagoo muran xoogan la galay ilaalada Posh oo markaa qabay dareen.

 

Dhammaan maleeshiyaadka la socday gaariga ismiidaamiyay ayaa deegaan ahaan kasoo jeeday Koonfur Galbeed ee Somalia.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS