DHAGEYSO: Xarakada Shabaab Oo Gacan Goyn Ka Sameeyey Deegaan Ay Maamulaan Gobolka…

Xarakada Shabaab ayaa waxay Xukun ku riday Nin ay sheegeen inuu Burcad dhac geystay ahaa.

Deegaanka Tooratooroow Ee Katirsan Shabellaha Hoose ayaa waxaa la iskugu yeeray dadka deegaanka Barxad ku taalla Halkaasi.

HALKAAN RIIX SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

Waxaa Shabaabku ay goobta soo istaajiyeen Aadan Cali Aadan oo dhalinyarada deegaanka ka mid ahaa laguna soo Eedeeyey in Dukaamo ganacsi jabsaday lacag dhan Boqol Dollar uu qaatay oo shillin Somali Aheyd.

Qaadiga Shabaab Ee Maxkamada Toorartooroow waxa uu sheegay in soo dacweysteen Adan Cali Ganacsatadii iska lahaa Goobaha Ganacsi uu jabsaday sidaana uu dembiga ku Qirtay.

Shabaabka ayaa Gacanta ka jaray ninkaan iyagoo kadibna la sheegay in qofkii Tuugnimo sameeya Gacanta laga goyn doono.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS