DEG DEG: Maxaadan Ogeyn oo hadda ka socda Xafiiska Ra’iisal wasaare Khayre ?

Shir xasaasi ah oo amniga Magaalada Muqdisho looga hadlayo, ayaa xilligan ka soconaya Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre.

RIIX HALKAN OO DAAWO MUUQAALKAN.

Shirkan, ayaa waxaa ku sugan Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid), Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliyeed, General C/xakiin Daahir Saciid (Saacid), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Thaabit Cabdi Maxamed iyo Saraakiisha xasilinta ee amniga Caasimadda ku shaqada leh.

 

SII RIIX MUUQAALKAN OO DAAWO.

Ilo wareedyo muhiim ah, ayaa sheegaya in shirkan oo bilowday sagaalkii subaxnimo ee saakay uu weli ka soconayo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, waxaana si dhow looga hadlaya amniga Caasimadda.

 

Dhinacyadan, ayaa u muuqda kuwo iska wareysanaya eedeymo xoog badan oo Madaxda Dowladda kaga yimid qaybaha bulshada, ka dib weerarkii saacadaha badan qaatay, ee Shabaabku ku galeen maqaaxida Pizza House.

 

 

Ilaaladii maqaaxida, ayaa waxaa la tilmaamay in ay haysteen qoryaha fud fudud, oo aanay haysan hubka waaweyn, taa oo dhabaha u xaartay in mintidiintu si fudud kula wareegto dhismaha maqaaxida.

 

Sida ay qirtay Wasaaradda Amniga Somaliya waxaa weerarkaasi soo qaaday lix nin, oo mid ka mida uu is qarxiyay, halka shantii kalana mar dambe toogasho lagu dilay.

 

 

Inkastoo dadka badankii ay taageersan yihiin qorshaha hubka looga uruurinayo Magaalada Muqdisho, ayaa waxay hadana qabaan in dadka hubka loo sharciyeeyo, si ay isugu difaacan, maadaama halista Al Qaacidada Somaliya ay tahay mid weli taagan.

 

 

Maamulada shirkadaha gaarka loo leeyahay qaarkood, ayaa in muddo ahba ka qaylo dhaaminayay awaamiirtii xukuumadda, ee ahayd inaanay haysan karin wax ka badan afar qori oo AK47 ah, ha yeeshee ma jirin cid wax ka dhageysatay.

Marka laga soo taggo in dowladdu ku guuldareysatay in ay ka hortaggo weerarkaasi, ayaa waxaa wax lala yaabo noqotay in shan wiil oo keliya, ay dhismaha maqaaxida ka dhex dagaalaman 10 saacadood oo xiriir ah, iyadoo la’ogyahay in dowladdu haysato ciidan si gaar ahi u tababaran.

 

 

Ciidamada amniga waxaa lagu dhaliilay in ay sababteedu leeyihiin in maqaaxidaasi lagu dhex toogto dad ay qafaal ahaan ugu haysteen maleeshiyadii soo weerartay. Muddo sideed saac ku dhow, ayaa la sheegay in dadkaasi la haystay, oo marba dhinac loola dhaqaaqaayay, ka hor intii aysan ku bixin gacanta argagixisada.

 

 

Jawaabtii Ciidamada Gaashaan ee weerarkaasi, ayaa ahayd mid gaabis ah, sida ay ku sheegayan Saraakiisha Ciidamada Dowladda, inkastoo ay taasi qiil uga dhigayan Shabaabka oo jaray korontadii maqaaxida ka jirtay.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS