CADEYN: RW Kheyre oo Digniin Xoogan udiray Wasiir Beyle una sheegey inuusan Talaabo qaadi Karin ilaa…

Ra’isul Wasaaraha DFS Xasan Cali Kheyre ayaa soo saaray amar culus oo ku socda Wasiirka Maaliyadda Xukumadiisa.

 

Xasan Cali Kheyre ayaa amray inaan wax canshuur dhaaf ah lagu sameyn Karin hay’adaha iyo ganacsatada wax kala soo daga garoonka iyo dekadda magaaladda Muqdisho.

RIIX HALKAN OO DAAWO MUUQAALKAN.

Amarka Kheyre ayaa ka dambeeyay kadib markii uu Wasiirka maaliyadda lacago xad dhaaf ah dul saaray ganacsatada magaaladda Muqdisho ee wax kala soo dagta garoonka iyo dekadda Muqdisho.

 

Warqad qoraal ah oo kasoo baxday Xafiiska Kheyre ayaa lagu sheegay iney jiraan waxyaabo muujinaya in la doonayo in si aan sharci aheyn loo kordhiyo canshuuraadka taasna ay tahay masuq maasuqa ay la dagaalamayaan.

SII RIIX QORAALKAN OO DAAWO MUUQAALKAN.

Waxaa uu RW Kheyre sheegay inaanan wax canshuur kordhin ah la sameyn Karin ilaa isaga uu kasoo baxo amarka arintaas lagu sameynayo.

 

Dhawaan ayaa ganacsatada qaadka ay ka caroodeen amar kasoo baxday Wasiirka Maaliyadda Bayle kaas oo lacago badan ku kordhiyay canshuurtii kadibna waxaa ay diyaarihii qaadka uweecdeen dhanka magaaladda Jowhar.

 

Amarka kasoo baxay RW Kheyre ayaa kusoo aadaya xili maalmihii laso dhaafay la ogaanayay inuu jiro khilaaf udhaxeeya labada masuul ee Kheyre iyo BEYLE taasna ay keentay in xafiiska Ra’isul wasaaraha uu maamulo wasaarada maaliyadda.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS