DEG DEG AH:Liiska Golaha Wasiirada DF Soomaaliyaoo goordhow iyo Warbaahinta oo sitoos ah.

Ra’isul wasaaraha DF Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goordhow oo galabta ah ku dhawaaqi doona golaha wasiirada cusub, sidaas waxaa sheegeya wararka naga soo gaaraya xafiiskiisa.

 

Qaar kamid ah Wariyaasha ayaa ku sugan xafiiska Ra’isul wasaaraha DF Soomaaliya iyagoo sugaya magacaabida xukumada cusub.

RIIX HALKAN OO DAAWO MUUQAALKAN.

Wararka ayaa intaas u daraya in liiska golaha wasiirada ay diyaarsan yihiin ayna isku waafaqeen madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha Soomaaliya kadib sedex maalin oo ay lahaayeen kulamo saxaafada laga qariyay waxaana tirada wasiirada la filayaa iney noqdaan 25.

 

Wajiyo ku cusub siyaasadda dalka, iyo magacyo ay aad uyaqaanaan Soomaalida ayaa la filayaa iney kamid noqdaan xukumada cusub.

 

Sidoo kale waxaa la filayaa in xukumada RW Xasan Cali Kheyre ay yeelan doonto dhowr ra’isul wasaare ku xigeen oo ah kuwa aan looga baran xukumadihii ugu dambeeyay.

 

Madaxweyne Farmaajo iyo RW Xasan ayaa diiday sedexdii maalmood ee lasoo dhaafay iney la kulmaan dhamaan siyaasiyiinta xildoonka ah iyo odayaasha iyagoo kali unoqday soo xulashada wasiirada iyo kala saarida ugu yaraan sedex boqol oo codsi.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS