AKHRI:Qoraal Xasaasi ah Mas’uul Xilkii laga qaaday iyo Ugaadhsiga Villa Sooomaaliya ka Socda..

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Agaasimihii Warfaafinta Madaxtooyada Shador Xaaji Maxamuud oo ka mid ahaa raggii aadka ugu dhowaa Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Xilka Agaasimaha ayaa waxaa loo magacaabay Cabdinuur Maxamed Axmed oo Villa Somalia isku sii diyaariyay tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo.

RIIX HALKAN OO DAAWO MUUAALKAN.

Cabdinuur Maxamed Axmed, ayaa xilkaasi ku kasbaday kadib markii uu ka shaqeeyay hanaanka lagu dooran lahaa Farmaajo isagoo kaalinta ugu weyn ka qaatay dhanka Saxaafada.

 

Agaasimihii hore ee la bedelay ayaa lagu wadaa in lagu biiriyo mid kamid ah Hay’adaha Dowlada oo la filaayo inuu ka noqdo shaqaale, maadaama sharciga shaqaalaha rayidka dowladda uu dhigayo qofka marka xil laga qaado ama Waax laga bedelo loo wareejiyo waax kale.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa aad uga shakisnaa Shaqaalaha sida dhow ula shaqeeyay Xasan Sheekh, waxa uuna shakiga ugu badan ahaa mid dul qotomay Shadoor oo si dhow Saxaafada uga caawin jiray arrimaha Villa Soomaaliya.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS