XOG CUSUB:Ra’iisulwasare Khayre oo Caawa Sameeyey Kulankii ugu danbeeyye +Ku dhawaaqidii Golaha Wasiirada oo Xiliga..

Iyadoo si weyn loo sugayo magacaabidda Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya, ayaa waxaa soo baxaya war xiiso leh oo ku saabsan magacaabidda.

 

Wararka laga helayo xafiisyada Ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynaha ayaa sheegaya in la soo gabagabeeyay magacaabidda wasiirada, lana diyaariyay liiska xukuumadda.

RIIX HALKAN OO DAAWO MUUQAALKAN.

Wada-tashiyadii ugu danbeeyay iyo gabagabeynta magacaabidda ayaa xalay oo dhan ka socday Villa Somalia, iyadoo ay waqti danbe isku gaareen Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

 

Liiska Golaha wasiirada ayaa hadda laga dhigay 25 wasiir, waxaana madaxweyne Farmaajo uu la noqday qorshihiisii ahaa 30-ka wasiir markii laga hor yimid, oo buuq badani ka dhashay sida beelaha loogu qeybinayo dhexdooda.

SII RIIX HALKAN OO DAAWO MUUQAALKAN.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ugu danbeyn soo Diyaariyey liiskiisa, isagoo la-tashigii ugu danbeeyay la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

 

Magacaabidda Golaha Wasiirada ayaa la filayaa inay dhacdo 24-ka saacadood ee soo socota, waxaana yar isbedelka ku imaan kara liiskii ugu danbeeyay ay xalay isla qaaten madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha.

HALKAN KA DAAWO MJUUQAAL KALE OO XASAASI AH.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS