DEG DEG AH:Mas’uul Sare Oo Ka Tirsanaa Maamulka Jubbaland Oo Is Casilay

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegayaan in gudoomiyaha Maxamadda Magaalada Kismaayo uu ku dhawaaqay  in uu iscasilay.

 

Gudoomiyaha iscasilay ayaa waxa lagu magacaabaa  Sheekh Xasan Macalin Aadan, waxaana Sanadyadii lasoo dhaafay uu ahaa Gudoomiyaha Maxkamadda Kismaayo.

 

Ilo ku dhow Madaxtooyadda Jubbaland  ayaa warbaahinta  u sheegay in Sababta uu isku casilay in ay tahay Mushaar la’aan soo wajahday.

 

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in uu Cabasho xooggan uu ka muujiyay dhaqaalo xumo ka jirta Maxkamadda Magaalada Kismaayo.

 

 

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS