XOG CUSUB:Loolanka Adag Ee Faarax C/qaadir Ugelayo Inuu Guuleysto Maanta &Laaluusha oo aan gabasho lahayn..

Doorashada Maanta ka dhaceysa Xarunta Golaha Shacabka Ee Magaalada Muqdisho ayaa aad loo sugayaa cida soo baxeysa iyadoo Tobaneeyo Murashax ay tartamayaan.

 

Xubnaha ugu lacagta badan ee la filayo inay Saameyn reebi karaan ayaana Garoonka loo baneyn doonaa si ay utijaabiyaan jeebkooda iyo sida uu ucaawiyo.

RIIX HALKAN OO DAAWO MUUQAALKAN.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aad ula socda dhaq dhaqaaqa Doorashada iyo Tartamayaasha isagoo Saaxiibkiis Faarax C/qaadir la ololeenayey Maalmahaan Dambe.

 

Faarax Sheekh C/qaadir oo aan xilalka nuucaan kale looga baran ayaa doonaya in Galaan gal Siyaasadeed ku dhex yeesho.

 

Waxa tartan adag uu dhex yaallaa Faarax C/qaadir iyo C/weli Ibraahim Muudeey oo Shariif Xasan Sheekh Aadan Taageero ka helaya.

 

Inkastoo wax kasta ay siyaasad yihiin isna badeli karaan hadana waxa lasii odorosayaa in Faarax uu Xilkaasi heli doono doorashada maanta ka dhaceysa Muqdisho.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS