FADEEXAD CUSUB:Doorashadii Gud.Kuxigeenada Oo Bilaabatay & War La Fileyn Oo La Maqlay

Waxaa si rasmi ah Daqiiqado ka hor uga Bilaabatay Xarunta Golaha Shacabka Ee Gobolka Banaadir Doorashadii Gudoonka Baarlamaanka oo dhinaca Kuxigeenada maanta loo tartamayo.

Doorashada ugu adag ayaa ka taagan Kuxigeenka Koobaad Kursiga loo galayo oo haatan ay socoto iyadoo Xildhibaanada ay yihiin kuwo ballan qaadyo badan helay.

C/rashiid Maxamed Xiddig oo Xildhibaanada Codeysay Ka mid ah ayaa waday Olole Ballaaran oo ka dhan ah Xasan Sheekh taasi oo ka dhigan in Xubno Cusub Dalka inay qabtaan uu doonayo.

Si Hoose waxaa la sheegay in Xildhibaanada sida ay isku taageersan yihiin Kuraasta ay iskula fadhiyaan islamarkaana ay ololahooda gudaha Xarunta ka wadaan.

Khaladaadka jira waxaa ka mid ah In Xildhibaanada qaar gudiga ay Magacyadooda weydiinayaan marka ay codkooda dhiibtaana weydiinayaan.

Gudiga Doorashada ayaa mamnuucay in Taleefoonka lala galo Xarunta qeybta Codka lagu soo dhiibanayo si aysan wax is daba marin iyo Musuq maasuq udhicin.

Haween da’yar ayaa badan oo Baarlamaanka Codadkooda dhiibanaya kuwaasi oo Shukaansi Lacageed lagu bilaabay maadaama qawaamuurta Baarlamaanka hore ugu jiray ay dhuuntooda ballaaratay Lacag badana ay ubaahan yihiin si ¬†codkooda u iibsadaan.

Doorashada waa ay xasaasi san tahay Waxaana la sugayaa Xubnaha la doorto Kuxigeenka Koobaan iyo kan Labaad Baarlamaanka Soomaaliya.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS