DHEGEYSO:Qarax Waxyeelo Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada iyo Xaalada Wal Wal badan oo dhanka …

Qaraxa ayaa waxa uu xalay ka dhacay Magaalada B/weyne Ee Gobolka Hiiraan waxaana jira warar kala duwan oo Qaraxaasi kasoo dhashay.

RIIX HALKAN OO DHEGEYSO CODKA.

Inta La Og yahay Hal Qof ayaa dhintay waxaana seddex kale ay dhaawac kasoo gaareen kadib markii koox hubeysan ay ku weerareen Maqaaxi dad badan kusugnaayeen.

 

Xaafada Xaawo Taako Ee Degmada B/weyne ayaa Maqaaxida ay ku taallaa iyadoo ciidan iyo Shacab kuwada sugnaayeen marka qaraxa uu dhacayey.

 

Dadka dhaawaca soo gaaray ayaa haatan lagu daweenayaa Cusbitaalka Magaalada B/weyne taasi oo la sheegay in qaarkood dhaawacooda culus yahay.

 

Wararkii ugu dambeeyey Ee Saaka ka imaanaya Beled weyne waxay ku waramayaan in Laamaha Amnigu ay baaritaan ku hayaan qolyihii weerarka ka dambeeyey.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS