Trump oo ku Jees Jeesay Wariye Tvga Caanka ah ee CNN Diidayna in uu ka dhegeysto Su’aal …

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka ayaa laamaha sirdoonka ku eedeeyay dusinta eedo ah in Ruushka ay asiga waxyaabo kala hadleen.”Taasi waxay ahayd midii Nasigii Jarmalka uu sameeyay,” ayuu yiri.

 

Wuxuu ka hadlaayay eedo aan weli la cadeyn oo ah in kooxdiisa doorashada u qaabilsaneyd Ruushka uu ku dhexdhuuntay.

 

Eeda waxaa kaloo ay ku saabsan tahay in la haayo muuqaallo fadeexad ah oo ku saabsan noloshiisa gaarka ah.

 

Laamaha sirta ee Mareykanka ayaa arrintaasi u qaatay si dhab ah, waxayna isbuucii tagay ku wargeliyeen Trump iyo madaxweynaha xilka baneynaaya ee Obama.

 

Donald Trump ayaa sidoo kale xilligaas sheegay inuu markii ugu horeysay aqbalay in Ruushka uu u dhacay qalabka doorashada Mareykanka, arrintaasna ay dhacday xilligii ololaha doorashada.

 

Sidoo kale shirkaasi jaraa’id ee ugu horeeyay Trump, wuxuu ku xaqiijiyay in ganacsigiisa uu ku wareejinayo labadiisa wiil.

 

Shirka jaraa’id waxaa loo qabtay in Trump uu kaga hadlo ganacsigiisa, balse waxaa hareeyay fadeexadda laga faafiyay.

Trump ayaa sheegay in macluumaadka “ay ahayd inaanan weligood la qorin ama aan weligood la shaacin”.

“Waa war been ah, waa waxba kama jiraan, ma aysan dhicin,” ayuu yiri, wuxuuna intaa ku daray, “dad xanuunsan ayaa waxaasi dhoodhoobay. waa ceeb iska cad”.

 

Asigoo ka jawaabayay, afhayeenka Aqalka Cad, Josh Earnest, wuxuu sheegay “Waa marin habaabinta qofkastaa, oo heer kastaa ah, in su’aal la geliyo daacadnimada iyo ujeedooyiinka geesiyada ka mid ka ah laamaha sirdoonka dalka”.

 

Trump ayaa CNN ku tilmaamay “meel qashin” wuxuuna ku eedeeyay “inay warar ay iska sameysanayaan”.

 

Wuxuu diiday inuu su’aal ka dhageysto weriyaha CNN ee ku sugnaa shirka jaraa’id. Balse CNN waxay difaacday daabacidda wararka eeda ee Trump ku saabsanaa

 

Sidey arrintan ku soo shaacbaxday

Eeda ayaa dhowaanahan dhex wareegeysay warbaahinta iyo masraxyada siyaasadda.

 

BBC waxay heshay cadeyn ah in arrintan lagu saleeyay waxyaabo la siiyay urur madaxbannaan si Trump ay uga soo horjeestaan. Waxaana waday qof horey uga mid ahaan jiray sirdoonka Mi6 ee Britain, Christopher Steele.

 

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in CIA ay cadeymaha u tixraacday sida kuwa “sax ah”. Ujeedada laga lahaa ayaa ah in Trump laga weeciyo musharraxnimadiisa, sida wararka ay sheegayaan.

 

BBC waxay macluumaadka heshay bishii October, laakiin si madax bannaan xilligaas looma cadeyn karin.Arrimo aan sax ahayn oo ka mid ahaa macluumaadkana waala ogaaday.

 

Sikastaba, dadka horey ugu shaqeeyay sirdoonka Britain, laamaha sirta ee Mareykanka waxay u arkaan dad lagu kalsoonaan karo.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS

DAAWO VIDEO:Naxdin qaabka Mindida Toos U Galinayaan Gabadha Kooxda Bahalaha Kufsiga Galdogob
- Jan 17, 2017
https://www.youtube.com/watch?v=c8ap8kdKc6Y
DAAWO:Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya Oo War Aan Laga Fileyn Laga Soo Sheegay & Jawiga Oo Cabsi Noqday
- Jan 17, 2017
Warar ayaa sheegaya in Amniga Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ku shirayo Aad loo adkeeyey kadib ...
XOG QARSOON OO LASOO OGAADAY:Xagee Ku Ogeyd Xasan Daahir Aweys?+Daawo Video
- Jan 17, 2017
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa Madaxda Al Shabaab ayaa tan iyo ...
DHAGEYSO HANJABAAD:Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Fariin Culus Udiray Beelaha Dagaalka Dhexmaray
- Jan 17, 2017
Dagaal Beeleed ayaa waxa ay kasoo cusboonaadeen Deegaano katirsan Gobollada Hiiraan iyo Gal gaduud ...
DHAGEYSO:Xog Cusub Oo Laga Helay Kufsigii Mudug & Puntland Oo Ku Hanjabtay Inay Tallaabo Qaadeyso
- Jan 17, 2017
Waxaa weli sii kordhaya dadka cambaareenaya sida uu udhacay Falkii Kufsiga ahaa Ee Loo ...